Maxaa ka cusub xiisaddii u dhaxeysay ciidanka Danab iyo maleeshiyo beeleedka?

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in maanta xal laga gaaray xiisad maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xiisadaas oo u dhaxeysay maleeshiyaad hubeysan iyo ciidanka Danab oo fariisin ku leh koonfurta Gaalkacyo ayaa ka dhalatay nin la sheegay in uu ahaa ganacsade oo ay xireen ciidanaka Danab, iyadoo arintaas ay ka dhiidhiyeen maleeshiyaad ku heyb ah.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Maxamed Cumar Falagle oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in arintaas ay xaliyeen maanta, isla marklaana uu maamulku la wareegay hubkii maleeshiyadii weerartay ciidanka Danab oo u abaabulnaa qaab beeleed.

Wasiir Falagle waxa uu sheegay in xalinta arintaas ay ku wehliyeen wasiirrada amniga iyo arrimaha gudaha Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo ay hogaaminayeen Senator Cabdi Qeybdiid iyo Jeneraal Gorod.

“Wadahadal dheer kadib waxaa lagu heshiiyey in hubka maleeshiyaadka ay la wareegto Galmudug, waxaana hada la wareegay mas’uuliyiin uu hor ka cayo wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, si nabad ah ayaana xal looga gaaray arintaas” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Falagle.

Wasiirka ayaa sheegay in beelaha degan gobolka Mudug ay aad u hubeysanyihiin, balse kuwan uu maamulku iskula wareegay maleeshiyaadkii iyo hubkoodaba.

“Maleeshiyaadkan waxay saldhig u noqonayaan qorshaha cusub ee wasaaradda amniga Galmudug, kaas oo ah in la yagleelo ciidamo cusub oo daraawiishta Galmudug ah, kuwaas oo aad u tayeeysan, marka maleeshiyadkan ciidamadaas ayaa lagu biiein doonaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyntii Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Falagle ayaa sheegay in khasaarihii nafeed ee ka dhashay dagaalkii dhexmaray maleeshiyaadkaas hubeysan iyo ciidanaka Danab lagu xalin doono hanaan dhaqan oo ay ka wada fadhiisa doonaan odayaasha deegaanka.

Hoos ka dhageyso wareysiga