Cabdulqaadir Cosoble oo go’aankii maanta ku qeexay ogolaansho muddo kororsi

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda golaha shacabka Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa si adag uga soo horjeestay waqti kordhinta loo sameeyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka.

Sidoo kale Xildhibaan Cosoble ayaa guddoonka labada aqal ku eedeeyay inay ka shaqeynayaan dib u dhac ku yimaada doorashooyinka dalka, waxuuna dalbaday in la dedejiyo furitaanka kalfadhiga baarlamaanka.

“Guddiga doorashooyinka inay hor yimaadaan baarlamaanka, waa sharci aan dejinay oo fulin naga sugaaya, waxaan qabaa in guddiga doorashooyinku nahor yimaado, kalfadhi aan caadi aheyna loo qabto, 45 maalmood ayaan guddigan horay ugu qabanay, hadana laba bilood ayuu sii dhaafayaa.”

“Waxay ilatahay in awood aan ku jebino sharcigii aan ansixinay bishii labaad ee sanadkan oo uu madaxweynuhu saxiixay aanaa laheyn, marka waqtigii loo qabtay haku yimaado guddigu, kalfadhi aan caadi aheyna haloo qabto” ayuu yiri Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble.

Xildhibaanka ayaa sheegay in hadii ay taasi dhici weyso ay rumoobeyso hadal heynta waqti kor dhinta ah ee lagu tuhmayo baarlamaanka Soomaaliya, taas oo qof kasta oo Soomaali ah uu maanta aaminsanyahay.

“Anaga wixii waajibkeena ah aan dedejino guddiga aan u gudbino, balse sharcigii aan dejinay yaanaan ka shidin dib aan u dhigno iyo waxyaabo lamid ah, guddigu waqtigooda haku yimaadaan kalfadhi aan caadi aheyna haloo qabto, sidaas ayaan soo jeedinayaa” ayuu Xildhibaan Cosoble sii raaciyey hadalkiisa.

Halkan ka Daawo