Qodobo ka mid ah xeerka doorashooyinka oo maanta lagu tuntay (Maxaa ka dhacay Villa Hargeysa?)

Muqdisho (Caasimda Online) – Laba qodob oo oo waaweyn oo ka mid ah sharciga doorashooyinka qaranka, ayaa maanta lagu jebiyey kulankii Guddiyada Joogtada ee Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay ku yeesheen Muqdisho, oo uu guddoominayey afhayeenka baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Guddiyada joogtada ah ayaa go’aamiyey in Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran (GMDQ) Xaliima Ismaaciil (Xaliima Yarey) ay baarlamanka hor-timaado 27-ka June, kana horjeediso warbixinta ku saabsan doorashada dalka, xilliga ay dhaceyso iyo nooca ay noqoneyso.

Warbixinta guddiga doorashooyinka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in lasoo gudbiyo 27-ka bishan May, taas oo macanaheedu yahay in hadda dib looga dhacayo muddo bil.

Go’aankan ayaa si cad u jebinaya qodobada 13-aad iyo 53-aad ee xeerka doorashooyinka.

Maxaa ku qoran qodobada 13-aad ee sharciga doorashooyinka?

Qodobka 13-aad ayaa ka hadlaya Cayimaadda Taariikhda Doorashooyinka la qabanayo, waxaana farqadiisa 3-aad ku qoran sidan: “GMDQ waa in ay muddeeyaan taariikhda doorashada, ugu yaraan boqol iyo sideetan (180) maalmood ka hor wakhtiga ay codbixintu qabsoomayso.”

Muddada ay cod-bixinto qabsoomeyso ayaa waxaa qeexaya farqada 1-aad ee isla qodobka 13-aad ee sharciga doorashooyinka, taasi oo u dhigan: “Doorashooyinka dalka waxaa la qabanayaa afartii sanaba mar si waafaqsan qodobka 60aad ee Dastuurka, bil ka hor dhammaadka mudda xileedka Baarlamaanka.”

Baarlamanka hadda jira wuxuu muddo xileedkiisa ku eg yahay 26-ka December 2020, maadaama la dhaariyey 27-kii December 2016.

Sidaas darteed, bil ka hor muddo xileedkooda, waa 27-ka November 2020. Sidoo kale 180 maalmood ama lix bil ka hor xilliga ay codbixintu qabsoomeyso (November 27), waa 27-ka May 2020, oo ah waqtigii hore ee la ballamiyey guddiga doorashooyinka.

Maadaama guddiyada joogtada ah ay bil ugu dareen waqtigii la sugayey warbixinta guddiga madaxa-banaana ee doorashooyinka qaran, waxaa si cad loo jebiyey farqada 3-aad ee qodobka 13-aad ee sharciga doorashooyinka, taas oo mas’uul ay ka yihiin guddiyada joogtada ah, si gaar ahna guddoonka labada aqal.

Sababta ayaa ah, haddii aan lixda bil ka tirino 27-ka June, waxay ku dhaceysaa 27-ka December, oo ah bil kadib 27-ka November ama xilliga uu xeerka doorashooyinka dhigayo in doorashada la qabto.

Maxaa ku qoran Qodobka 53-aad ee sharciga doorashooyinka?

Qodobka 5-3aad ee sharciga doorashooyinka ayaa ka hadlaya Dib-u-dhaca Doorashooyinka, wuxuuna sharxayaa waxa ay tahay in la sameeyo haddii la fulin waayo qaar ka mid ah farqooyinka qodobka 13-aad ee aan kor uga soo hadalnay.

Farqada 3-aad ee qodobka 53-aad ayaa waxaa ku qoran sidan: “Haddii GMDQ ay awoodi waayaan soo gudbinta qorshaha qabsoomidda doorashooyinka muddada ku xusan Qodobka 13 (3) ee Sharcigan, ama ay ku dhawaaqan in aysan qaban karin doorashada, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa fadhi wadajir ah go’aan ku soo saaraya.”

Maadaama ay guddiga doorashooyinka bil kadib marayaan 180-ka maalmood ee loo qabtay, guddiyada joogtada ah ee maanta muddada halka bil ah ugu daray, ma lahayn awooddaas, waxayna mar kale ku xadgudbeen sharciga doorashooyinka, gaar ahaan farqada 3-aad ee qodobka 53-aad.

Sida qodobkaas ku xusan, haddii guddiga doorashooyinka uu waqtigiisa ka dib marayo, waxa go’aan ka gaaristaas iska lahaa fadhiga wadajirka ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidaas darteed, guddiyada joogtada ma lahayn sharciyad ay bil dheeri ah ku siiyaan guddiga doorashooyinka.

Wixii maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, waxay ahaayeen tumasho lagu sameeyey sharciga doorashooyinka, taasi oo sare usii qaadeysa tuhunka laga qabo dib u dhigista doorashada dalka, iyo in guddoonka labada aqal, Maxamed Mursal iyo Cabdi Xaashi ay arrintaas kala shaqeynayaan Villa Somalia.

Sharcigu mar walba ha sarreeyo.