Somaliland oo shaacisay dhimasho iyo kiisas cusub oo ah cudurka Coronavirus

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa maanta shaacisay inay kor u kaceen Kiisaska cudurka Coronavirus, iyada oo ay korodhay tirada dadka uu cudurkaasi ku dilay gudaha Somaliland.

Wasaarada ayaa warbixinteedii maalinlaha aheyd ku sheegtay in 24-kii saac ee u dambeeyay ay soo kordheen 14-kiis oo hor leh, kuwaasi oo kamid ahaa dad laga baaray cudurkaasi.

Afar iyo tobanka kiis ee cusub ee laga helay cudurka, ayaa wasaaradu ku sheegtay in Siddeed qof ay yihiin Rag, halka ay Lixda kale ay yihiin Dumar.

Bukaanadaasi cusub ayaa waxay da’doodu u dhaxeysa 20-jir ilaa 79-jir, kuwaasi oo dhamaantoodna ku sugan magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay warbixinta wasaarada caafimaadka ee Somaliland.

Waxaana cudurkaasi ka bogsaday Labo qof, kuwaasi oo laga waayey cudurka kadib markii dib loogu sameeyay baaritaano kala duwan.

Tirada guud ee cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa gaartay 217-kiis, iyada oo cudurkaasi ay ka bogsadeen 21-qof, iyada oo ay u geeriyoodeen 17-qof, inta la ogyahay.