Maxaa caawa ka dhacay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho caawa waxaa ka dhacay howgal ay sameeyeen ciidamada wadooyinka kuwaasoo ay ku qabqabteen mootooyin fara badan oo ah kuwa dadka qaada.

Cali Gaab oo ah taliyaha ciidamada wadooyinka oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in magaalada ay ku soo bateen mootooyin dadka ay raacaan kuwaasoo xaafadaha magaalada ka shaqeeya.

Cali Gaab ayaa sheegay in lakala garan waayay mootooyinkan magaalada laga soo buuxiyay cidda is kale iyo dadka ay wadaan.

Wuxuu sheegay in la joojiyay dhammaan mootooyinka magaalada ka shaqeeya ilaa iyo amar dame.

Si kastaba, dad badan oo ku nool magaalada Muqdisho ayey arrintan saameen ku yeelatay markii caawa la aruuriyay wixii mootooyin ahaa ee ka shaqeenaayay magaalada Muqdisho

Mootooyinkaan 3-da lug leh inta badan habeenkii dadka magaalada Muqdisho ayaa u raaca guryahood maadama ay ka lacag yartahay baabuurta kale ee rakaabka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com