DEG DEG AH: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay magaalada…

Boosaaso (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya qarax xooggan in uu caawa ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Qaraxa oo ka dhacay xarunta maxkamadda gobalka Bari, inta la ogyahay labo qof oo ay ku jirto haweeney ayaa ku dhimmatay in kabadan shan kalena waa ay ku dhaawacmeen sida uu noo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Boosaaso.

Waxaa jirra warar sheegaya qaraxa in uu ku dhaawacmay xeer ilaaliyaha maxkamadda Bari Bashiir Hoobaley iyo xubno kale.

Qaraxa kaddib waxaa magaalada laga maqlay rasaas xooggan waxaana goobta qaraxa soo gaaray ciidamada ammaanka kuwaasoo baaritaan wada

Ma jirto cid sheegatay qaraxa caawa ka dhacay bartamaha Boosaaso iyo cid toona ka hadashay, waxaase uu ku soo beegmayaa iyadoo uu dhawaan qof watay baabuur laga soo buuxiyay wax yaabaha qaraxa uu isku qarxiyay maalin cad bartamaha Boosaaso.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa laga deyrinayaa iyadoo Puntland ay isku diyaarineyso doorashada madaxweynaha oo dhaceysa 8-da bisha January 2014-ka.

Faah-faahin kala soco wararkeena dambe in shaa allah.