Dhageyso: Maxamuud Sayid Aadan iyo ergo oo ku biiray shirka Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo waxaa gaaray 40 xubnood oo uu hoggaaminaayo Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan oo horrey u ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda gobalka Gedo.

Isagoo la hadlaayay VOA-da ayuu sheegay magaalada in uu u yimid siddii uu uga qaybgali lahaa shirka maamul u sameenta gobalada lixda ah ee ku yaalla Koonfur Galbeed ee dalka.

Wuxuu kaloo sheegay in ay taageesan yihiin in Gobalka Gedo uu diyaar u yahay siddii uu uga qaybgali lahaa maamulka cusub ee lagu dhisaayo magaalada Baydhabo.

Waxaa la weydiiyay gobalka Gedo in uu hadda maamul u sameen yahay kaasoo ah Jubba, wuxuu sheegay maamulkaas in aan lagu mideesneen isla markaana uu wato dhinac gaar ah sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kaloo sheegay in dowladda fedaraalka laga doonayo in ay aqoonsato maamulka cusub ee loo sameenaayo gobalada Baay, Bakool, Gedo, Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Dhinaca kale, Shir dhawaanahanba ay qabanqaabadiisa ka socotay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, oo la doonayo in looga arintsado sidii loo dhisi lahaa dowlad goboleed ay ku mideysanyihiin gobolada koonfur Galbeed Somalia, ayaa la sheegay in uu dib u dhacay.

Shirka ka socda magaalada Baydhabo waxaa la sheegayaa in lagu kala aragti duwan yahay waxaana isku qilaafsan xildhibaannada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobaladaas.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga Maxamuud Sayid Aadan.


Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com Â