Hay’ado ku dhowaaqay qorshe 22 sano ay sugayeen Somalida oo farxad leh

Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP iyo hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Food and Agriculture Organization (FAO) ayaa maanta ku bahoobay qorshe dib loogu howlgelinayo nidaamkii suuq-geynta wax- soo-saarka beeraha Soomaaliya oo meesha ka maqnaa 22-kii sano ee la soo dhaafay.

Qorshaha waxaa maalgelinaya Midowga Yurub.

Madaxa beeraha ee FAO, Jose Lopez ayaa sheegay in ay hay’addoodu dhowrkii sano ee la soo dhaafay qeyb weyn ka qaadatay caawinta beeraleyda ee dhinacyada biyaha, dalagga iyo qalabka, isagoo xusay in ay hadda diyaarinayaan qorshe sare loogu qaadayo wax-soo-saarka beeraha iyo suuq-geyntooda.

Xoghayaha guud ee Iskaashatada Qaran ee Beeraleyda Soomaaliya Maxamed Axmed Nuur ayaa arrin wanaagsan ku tilmaamay in beeraleyda la fahamsiiyo  muhiimadda ay leedahay tayaynta iyo tijaabinta wax-soo-saarka ka hor inta aan la suuq-geyn.

Beeraleyda koonfurta iyo bartahama Soomaaliya waxaa sanadihii la soo dhaafay saameyn ku yeelatay abaartii ku dhuftay Geeska Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com