Maamulki laga saaray N50 oo hanjabay

Afgooye (Caasimada Online) Guddoomiyaha maamulka deegaanka Lambar 50 ee gobalka Shabeelha Hoose ayaa ka hadlay dagaal maanta ka dhacay deegankaas isla markaana isaga iyo maamulkiisa laga saaray magaalada.

Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho Cabdulaahi Waafoow ayuu sheegay in saakay aroortii ay magaalada soo weerareen maleeshiyaad watay gaadidka dagaalka kuwaasooi qabsaday deeganka.

Waafoow ayaa sidoo kale sheegay in si nabadgalyo leh ay uga baxeen magaalada maadama adeeganka ay ku nool yihiin dad rayid ah.

Wuxuu sheegay oo kale in wadaan qorshayaan ay ku doonayaan dib in ay ugu soo laabtaan deeganka lagana saaro kooxda soo weerartay.

Deeganka lambar 50 ayaa hadda degan waxaana wali ku sugan ciidamadii saakay qabsaday,waxaa kaloo deeganka ka billowday qax ballaaran.

Dhinaca kale, hotelada ku yaalla Muqdisho waxaa ka socda kulamo ay lee yihiin mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta ay kasoo kala jeedan beelaha Habar-gidir iyo Biyamaal oo ku dagaalamaya gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com