Qoxootiga Soomaalida ee Kenya oo la sheegay in loo rari doono magaalada..

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminaayo isku duwaha arrimaha bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay Philippe Lazzarini.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen magaalada waxa ay kulamo la qaateen madaxda maamulka KMG ah ee Jubba iyagoona kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay siddii dib qoxootiga ku nool Kenya dib loogu soo celin lahaa magaalada Kismaayo.

Philippe Lazzarini oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay booqashadiisa in ay la xiriirto siddii uu u arki lahaa meelaha ay dagi lahaayeen qoxootiga Soomaalida ee dib uga soo laabanaya xeryaha qoxootiga Kenya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaannada Jubbooyinka.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyiinta maamulka Jubba ay isku afgarteen dhammaan qoddobadii ay ka wada hadleen isagoo tilmaanay in howsha dib usoo celinta qaxootiga ay bilaaban doonto billowga sannadka 2014.

Bishii la soo dhaafay ayaa dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay heshiis ay ku gaareen magaalada Nairobi waxa ay isku raaceen qoxootiga Nus Malyuunka gaaraya ee ku nool Kenya in dib loogu celiyo dalkooda seddaxda sanno ee soo socota.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in qoxootigaas la dajin doono magaalooyinka, Kismaayo, Luuq iyo Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com