Gacan ku heynta No.50 oo isbadashay iyo Wararkii ugu dambeeyay

Afgooye (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaas maalmulkii ku sugnaa laga saaray isla markaana ay la wareegeen garab ka mid ah maleeshiyo beeleed ku dagaalamaya gobalka.

Goobjoogayaal ku sugan Lambar 50 ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in maamulka uu hoggaaminaayay Cabdulaahi Waafow oo ah guddoomiyaha degmada in laga saaray magaalada isla markaana ay banaanka ka joogaan.

“Magaalada waxaa gacanta ku haya garab ka mid ah kooxaha ku dagaalamaya gobalka, ciidankii maamulka waa laga saaray maanta markii dagaal xooggan uu dhacay” sidaas waxaa sheegay qof deeganka ah oo la hadlay Caasimada Online.

Dagaalka ka dhacay Lambar 50 ayaa iskiis u istaagay maanta duhurkii, waxaana labada dhinac la sheegayaa in ay is hor fadhiyaan deegaanadii ay ku dagaalameen, waxaana la sheegi karin waxa dhici kara.

Dhinaca kale,waxaa xiisad dagaal laga dareemayaa deeganno badan oo ku yaalla gobalka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku dagaalamayaan maleeshiyo kala taageersan beelaha Biiyamaal iyo Habar-gidir.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dashay dagaalka maalintii afarraad ka socda gobalka Shabellaha Hoose, waxaana dhaawacyada labada dhinac loo qaaday magaalooyinka Marka iyo Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com