SOOMAALIDA ku dhaqan South Sudan oo ay cabsi cusub la soo daristay

Juba (Caasimada Online) Wararka naga so gaaraya Koonfurta Sudan ayaa sheegaya in xaalad jahwareer ah ay kaa taagan tahay caasimada Juba, kaddib markii ciidamo gadoodsan ay isku dayeen in ay afgambi kula wareegaan xarunta madaxtooyada.

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa magaalada tan iyo xaley, iyadoo ay xiran yihiin goobaha ganacsiga, magaalada waxaa lagu arkayaa ciidamo hubeysan sida waxaa noo sheegay ganacsade Soomaali ah oo ku nool Juba.

Madaxweyne Koonfur Sudan Salva Kiir oo saxaafadda kula hadlay qasriga madaxtooyada Juba ayuu sheegay inuu dhicisoobay afgambi milateri oo lala damacsanaa dowladdiisa, wuxuuna ku eedeeyay kooxo ka dhisan.

Madaxweyne Kiir ayaa ku dhawaaqay bandow billaabanaya 6-da maqribnimo ilaa 6-da aroornimo maanta oo Isniin ah.

Kooxda isku dayday in ay dalka la wareegaan ayaa la shegeay in ay taageersan yihiin madaxweyne ku xigeenkii horre ee dalkaas Riek Machar oo shaqada laga ceyriyay bishii July.

Si kastaba, wax dhib oo soo gaaray Soomaalida ma jirto ilaa hadda, marka laga reebo goobo ganacsi oo ay ku lee yihiin Jubba oo maanta xiran.

Soomaalida badan ayaa ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka dalka Koonfur Sudan gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Juba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com