Maxaa ka dhexeeya sare u kaca ku yimid shidaalka iyo dagaalka UKRAINE?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sare u kac xoogan ayaa ku yimid shidaalka caalamka, kadib duulaanka culus ee uu Ruuskha ku qaaday waddanka Ukraine, iyada oo sare u kacaan uu saameyn ballaaraan ku yeeshay dalal badan oo xittaa ay ku jirto Soomaaliya.

Naafic Maxamed Cumar oo ka mid ah ganacsatada shidaalka ee Africa oo la hadlay VOA ayaa ka warbixiyey sida uu dagaalka Ukraine u saameeyey shidaalka caalamka.

Ganacsade Naafic ayaa sheegay iyada oo markii hore lala daala dhacayey saameyta Coronavirus uu qarxay dagaalka Ukraine, isaga oo xusay inuu saameeyey shidaalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sare u kacaan uu yimid waqti aan la fileyn, kadib colaadda Ruushka iyo Ukraine.

“Sanadka billowgiisa waxaa billowday in sare u kac uu ku imaado shidaalka caalamka, iyada oo la xiriirto arrimihii Karoonaha, iyada oo saas ay jirto ayaa haddane waxaa billowday colaaddii Ruushka iyo Ukraine u dhexeysay, taas ayaa waxa ay sare usii qaaday shidaalka caalamka, iyada oo waqti dhow aan la fileyn inuu heerkaas gaaraayo,” ayuu yiri.

Mr Naafic Maxamed oo sidoo kale  sharraxaad ka bixiyey isbedalka yimid shidaalka ayaa sheegay in barmiilka la iibin jiray $68 illaa $69, haddana uu gaaray $85 iyo kasii badan.

“Dhammaadka sanadkii tegay barmiilka waxa uu ahaa 68 Dollar illaa 69, laakiin waxaa dhacday in si haleel ah uu hal mar ku gaaray 85 Dollar bartamihii beshii Febraayo arrintaasna waxaa saameynta ay ugu yeelatay aheyd inay soo baxday mushkiladdii ka aloolsaneyd Ukraine iyo Ruushka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ganacsade Naafic Maxamed.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Ruushka uu yahay dalka saddexaad ee ugu weyn ee gaaska, una dhoofiyo Yurub, sidaas daraadeed xayiraadda la saaray ay walaac ku abuurtay waddamada shidaalka ka qaadanayey iyo sidoo kale bangiyada caalamiga ah ee la fal-gala.

“Ruuskha waa soo saaraha saddexaad ee saliida, waana waddanka ugu weyn ee u dhoofiya gaaska dabiiciga Yurub, haddaba sidaas oo ay tahay colaadaan iyo cunaqabateynada la saaray ruushka isbuucii lasoo dhaafay waxay walaac ku abuurtay waddamada shidaalka gadanaayey iyo bangiyadii la tacaamulaayey intaba,” ayuu markale yiri Naafic Maxamed.

Soomaaliya iyo waddamo badan oo Afrika ku yaalla ayaa ka mid ah dalalka sida weyn looga dareemay sara u kaca qiimaha la iibiyo shidaalka oo dunida oo dhan sare u kacay.