Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey) oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa ka hadlay howlgallada ka socda bariga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Ugu horeyn xildhibaanka oo horay usoo noqday taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda ayaa beeniyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay isaga soo baxeen magaalada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, kadib markii wararkaasi lagu baahiyay baraha bulshada.
Yaasiin Farey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi, wuxuuna sheegay inuu hadda ku sugan yahay magaalada Ceel-dheer, ayna gacanta ku hayaan ciidamada huwanta.
“Aniga waxaan ku suganahay dhinaca degmada Ceel-dheer waxaas waa maqlaayay waxna kama jiraan, aniga kula hadlaayo ayaa ku sugan Ceel-dheer waxaan rabaa inaan u sheego guud ahaan dadka Soomaaliyeed in aysan jirin wararka la sheegaayo ee ah in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay kasoo baxeen furimaha dhanka aan aniga hadda ku suganahay, marka warkaan waan maqlay, laakiin waxba kama jiraan” ayuu yiri Yaasiin.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada jooga Ceel-dheer ay u filan yihiin amniga iyo difaaca magaaladaasi oo dhowaan laga saaray kooxda Al-Shabaab.
“Magaalada ciidan Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa jooga, ciidan waxaa jooga deegaanka ah oo ku fican difaaca degmada anigu marka gudaha magaalada ayaan daganahay wax dhib ah ama culeys oo aan dareemaayo haba yaraatee ma jiro” ayuu hadalksa sii raaciyay.
Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday weerarkii xooganaa ee ay maalin kahor Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Cowswaye, isaga oo qiray inuu jiro khasaare soo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, balse uu tilmaamay in dagaal sidiisu dhaliyo khasaare.
Xildhibaan Yaasiin Farey oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi kusii daray in weerarkaas uusan saameyn doonaan gulufka dagaal ee haatan ka socda bariga gobolka Galgaduud.
“Dagaal haddii uu dhaco natiijadiisa waa dhimasho iyo dhaawac marka meeshaas dagaal ka dhacay mana noqon doono dagaalkaas mid howlgallada socda ama hanka ay leeyihiin guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamada qaranka dib u dhiga” ayuu yiri Farey.
Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa haatan ka socda dagaal xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaamintiisa Dhuusamareeb u tegay madaxweyne Xasan Sheekh.