Maxaa ka jira in DF ay wado sidii cuna-qabatayn loo saari lahaa SOMALILAND?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir oo kamid ah Mas’uuliyiinta xisbiga Waddani, ayaa sheegay inaysan Somaliland marnaba si toosa xoolaheeda uga iibin Sacuudiga, balse ay ka iibiyaan ganacsato carbeed oo u dhoofiya dalkaasi.

Bashiir Xariir ayaa ku baaqay in Somaliland ay si toosa ula xiriirto dowlada Sacuudiga, isagoona si adag u dhaliilay go’aankii Somaliland lagu hoos geeyay DF Somaliya.

Xariir ayaa waxa kale oo uu sheegay in Dowladda Federaalka Somaliya ay wado sidii Somaliland ay cuna-qabateyn dhaqaale u saari laheyd.

Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Arrintan dhoofka Xoolaha siyaabo kala duwan ayaa looga hadlay, warar kale duwana wey ka soo baxayaan, xoolaheenana si toos ah inagu Sucuudiga uguma iibino umana dhoofino, ee waxaynu ka iibinaa Ganacsato Carbeed, oo uu ka mid yahay Jaabir, iyaga ayaa si toos ah Sucuudiga u geeya, oo Sucuudiga ula macaamila”.

“Waxa inaga nala gudboon Somaliland ahaan iyo Dawlad ahaanba mar haddii go’aano lid ku ah qaranimadeena ay soo baxeen inaynu si toos ah ula xidhiidhno Sucuudiga, oo aanay cidiba inoo dhaxaynin, gaar ahaan Hay’addaha Dawliga ah Sucuudiga ee dhoofka Xoolaheena saamaynta ku leh, sida Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha, Sucudiguna sidiisaba maaha inuu yidhaahdo Xoolaha Somaliland, Somaliya ha soo maraan, oo Somaliya amar uga soo qaata”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Wax qarsoon maaha inay Somaliya inagu wado sidii Somaliland loo saari lahaa cuna qabatayn dhaqaale, mana aha inaynu Somaliya ku meeraysaysano, maxaa yeelay Somaliya waa dal aynu mar midawnay, haddana aynu kala baxnay, inooma taliso, kamana amar qaadano, ee waxaa la inaga rabaa inaynu si xeel dheer u waajahano siyaasada iyo dagaalka dimbolmaasiyadeed ee inaga dhanka ah ee Somaliya inagu wado”.

Halkaan ka daawo Farmaajo oo dalab culus hor dhigay Deni & dhexdhexadinta Somalia iyo Kenya oo bilaabatay

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com