Maxaa ka jira in gaadiid ay leedahay W/Arrimaha Dibadda uu u gacan galay Al-Shabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo maanta qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay wararka sheegaya in gaadiid ay leedahay wasaaraddiisa ay u gacan galeen kooxda Al-Shabaab, kadib markii lagu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka.

Huruuse oo warbixin ku aadan arrintan soo galiyay bartiisa Facebook-ga ayaa marka hore beeniyay in gaadiid uu leeyahay isaga ama ay leedahay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya uu maqan yahay ama uu u gacan galay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ummadda Soomaaliyeed uu ogeysiinayo in weerarkaas ay yihiin waxba kama jiraan, wuxuuna cadeeyay in uusan jirin baabuur ka maqan wasaaradda.

“Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ogeysiinayaa in aanu jirin gaadiid aan leeyahay ama wasaaradda arrimaha dibadda leedahay oo ka maqan gacantayada ama u galay Al-Shabaab,” ayaa yiri wasiir Abshir Cumar Jaamac, kadib war qoraal ah oo uu soo saaray.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ujeedka warkan loo faafiyay uu yahay in lagu jahwareeriyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo arrintaasi ka digay

“Warka arrintaas la xiriira ee baraha bulshada lagu faafiyay waa been abuur lagu jahwareerinayo Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyay.

Jawaabta kasoo baxday Huruuse ayaa meesha ka saareysa hadal-heyntii ka taagneyd baraha bulshada ee ku aadaneyd in gaadiid lagala goostay wasaaradda arrimaha dibadda.

Ma’a markii ugu horreysay ee uu soo baxay kiis la xiriira arrintan waxaana horay u dhacday in gaadiid ay leedahay dowladeed lala aaday dhanka xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Horay darawalka wasiir ku xigeenka wasaaradda Biyaha & tamarta ee maamulka Jubbaland Mustaf Xaaji ayaa u goostay dhnaka Al-Shabaab, isaga oo iska dhiibay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, wuxuuna horay ula tegay gaari ay laheyd wasaaradaas, kaas oo noociisa lagu sheegay Hardtop, waana gawaarida lagu isticmaalo dhulka bacaadka ah.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay darawalka guddoomiyihii hore Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isna isku dhiibay kooxda Al-Shabaab. Darawalkaas oo muddo 4 sanno ah la shaqeeyay Mursal ayaa dhowaan u goostay Al-Shabaab, isaga oo markaas uun ka tegay guriga guddoomiyaha, waxaana arrintaasi ka dhashay shaki xoogan iyo sidoo kale walaac amni, maadaama aan xog badan laga helin baxsashadiisa.