Faah-faahin ku saabsan QARAX kale oo Muqdisho ka dhacay + Bartilmaameedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax baraqnimadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay aagga waddada Jaalle Siyaad, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Sida aan xogta ku helnay waxaa qaraxan lala bartilmaameedsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha guutada ilaalada madaxda qaranka ee ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Daahir, kaas oo waddada marayay xilliga uu dhacayay qaraxa.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha uu ka bad-baaday weerarkan, balse waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaar ka mid ah askartii ilaalada ee la socday kolonyadiisa.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in qaraxaan ay ku dhinteen 2 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen in ka badan 5 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan deggan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, daqiiqo kadib markii uu qaraxu dhacay.

Waa qaraxii labaad ee muddo 24 saac gudahood ka dhacay caasimada, waxaa kii u dambeeyay uu shalay ka dhacay agagaarka Zoobe, kadib gaari lagu soo xiray qarax uu ku qarxay afaafka hore ee Isbitaalka Aadan Cadde oo ku yaalla Laami yaraha Zoobe.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay hal qof, waxaana sidoo kale jira burbur soo gaaray baabuurka lagu xiran miinada oo la sheegay inuu lahaa mas’uul ka tirsan dowladda.

Weeraradan ayaa qayb ka noqonayo qaraxyo kale oo horay uga dhacay Zoobe, kuwaas oo illaa iyo hadda sameyntooda laga dareemo waddadaas, maadaama ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalen ay ku dhaawacmeen, dhismayaal badana ay ku burbureen hakaasi.

Weerarkan cusub ayaa sidoo kale qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay oo aad u kordhay.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogleh soo saartay caasimada, markii lagu jabiyay inta badan dagaallada culus ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.