Daawo: Aadan Madoobe oo shaaciyey qorshe ay wadaan isaga, XASAN iyo XAMZA

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka hadlay mooshin ay xildhibaanada qaar keeneen golaha, si go’aan baarlamaani ah looga soo saaro xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sool ayaa golaha shacabka hor geeyey qaraar ay ku dalbanayaan in go’aan laga soo saaro xiisadda Laascaanood oo noqotay qadiyad qaran, maadaama la isku heysto gooni u goosadka Somaliland iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa dalbaday in arrintaas loo daayo madaxda ugu sareysa dalka oo meel fiican uu u marayo wadahadal u socda, kaas oo golaha uu ku soo celi doono go’aankii ka soo baxa.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaanadii qaraarka ku qanciyey in isaga, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo u fadhiya arrinta Laascaanood uu safar deg deg ah soo galay Madaxweynaha, isla markaana ay meel fiican wax u marayaan.

“Daraad aniga, madaxweynaha iyo r/wasaaraha ayaa ka fariisanay arrintaas, madaxweynaha ayaa safar naga aaday, wax kasta oo aan qaba karno looma kala haraayo, si dadkaas loo badbaadiyo, xildhibaanka deegaankaas ka yimid mas’uuliyadda saaran mid lamid ah ayaa anagana naga saaran dadkaas,” ayuu yiri Sheekh Aadan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa xildhibaanada u sheegay in qadiyadda arrintaas aysan ayaga oo kaliya taabaneyn oo go’aan aad looga baaraan degay ay u baahan tahay, maadaama ay tahay qadiyad qaran, sida uu sheegay Sheekh Aadan Madoobe.

Mar uu soo hadal qaaday sida ay uga go’antahay inay maslaxada dadka Sooimaaliyeed ka shaqeeyaan ayuu tusaale u soo qaatay safar uu mudo bil ah u jiray Koonfur Galbeed oo khilaaf culus uu ka taagnaa, kaas oo xalintiisa ay ku guuleysteen.

“Intii karaan keena ah waxaba lama hari doono xalka u raadinta xiisadda Laascaanood, markii hore waa ogtihiin waxaa socday wadahal aan Somaliland tabashadeeda xal ugu raadineyno, hadana tan ayaa soo korortay, marka waan ka fariisanay xalkeeda ayaana ku jirnaa,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Shiikha ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland ay la xariiri doonaan, “Qorshaheenu waa in madaxda qaranku ay go’aan rasmi ah ka soo saarto, madaxweyne Xasan Sheekh ayaan ku laabanayaa go’aan ayaan idinku soo celi doonaa,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Hoos ka daawo