Maxaa ka jira in gudoonka sare ee BF uu caqabad ku yahay shaqooyinka BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa la sheegay inay dayaceen howlahooda shaqo ee ku aadanaa gudashada waa jibaadka ka saran xilalka ay Qaranka u hayaan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Golaha ku dhaliilay inay meel cidla ah ku tuureen shaqooyinkii laga sugaayay, kadib markii ay gudan waayen waajibaadka loo xushay, sida ay dhaliishooda ku sheegen.

Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa sheegay in howlaha gudoonka sare ay isku rogtay nasiino iyo in si ku tallo gal ah loo dayaco shaqooyinkii horyaalay baarlamaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Cabdi, ayaa tilmaamay in dayacaada ugu weyn ay heysato xeer hoosaadka Baarlamaanka oo meel cidlo ah looga tegay, isla markaana ajandihii ay isla gartaan la iska tuuro.

‘’Shaqooyinkii laga sugaayay oo la qabto iska daaye waxa ay howshu mareysaa in meel cidla ah lagu tuuro xitaa ajandihii la  isla garto in lasii wado, taasi waxaa u sabab ah guddoonka oo u muuqda mid cuuryaaminaaya shaqada’’

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Xaqiiqdii baarlamaanka waxaa heysato ayaandarro,waxan u imaanaa in aan xeer hoosaadka aan u codeyno si ajandaha maalintaas aan u codeyno balse shaqo kadib meel cidlo ah lagu tuuro oo waxba kama jiraan lagasoo qaado’’

‘’Ka Xildhibaano ahaan subax waliba wax aanan aqoon ayaa nalagu soo qaadaa, kuwii aan garaneynay waxaa la tuuraa iyadoo aan loo codeyn amaba laga doodin’’

Xildhibaan Cabdi Cali, ayaa sidoo kale, eedeyn u jeediyey guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya,oo uu sheegay in aysan awood u laheyn in ay farageliyaan Shaqooyinka mudanayaasha Baarlamaanka.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa cadeeyay in Xarunta Golaha Shacabka maalin walba lala yimaado in qof walba wixii uu doono uu sameeyo, waxa uuna taa ku tilmaamay ayaandaro dhibteeda usoo hoyaneyso Guddoonka sare.

Haddalka Xildhibaanka ayaa u muuqanaaya mid lagu ifinaayo ciladaha ka dhex jira Baarlamaanka Somalia, wallow Xildhibaanadu ay badi yihiin kuwo dagaal kula jira maamulka hadda shaqeeya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com