Puntland oo is hortaagtay wasiirka gaashandhigga Somaliland iyo ciidamo gudaha u gali lahaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegaya in maamulka uu is hortaag ku sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed Yuusuf iyo Ciidamo uu watay.

Maamulka Puntland ayaa Wasiirka iyo Ilaaladiisa u diiday inay galaan Magalada Badhan ee Gobolkaasi Sanaag, waxaana lasoo sheegayaa inay u dhigteen jid gooyooyin lama gudbaan ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed ee loo diiday inuu galo Magalada Badhan, ayaa maalmahaani ku sugnaa magaalada Hadaaftimo, halkaa oo uu kulamo kula qaadanaayay Saraakiisha iyo waxgaradka deegaanka.

Ciidamada Puntland ayaa Wasiirka iyo Ilaaladiisa u diiday inay galaan Magalada Badhan, waxaana halkaa ka dhacay israsaaseyn muddo kooban soctay oo u dhexeysay ciidamada Puntland iyo Ilaalada Wasiirka gaashandhiga Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed, ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Magalada Badhan oo loo diiday gali taankeeda.

Sidoo kale, ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa ku adkeysanaaya in uusan Magaaladaas geli Karin, Wasiirka Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa ka cabsi qabta in Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliland uu abaabul Dagaal ka sameeyo Magalada Badhan, waana sababta loogu diiday galitaanka magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com