Mareykan mise Soomaali?, Janaayo mise December?: Arrin yaab ah oo wiil Somali ah ku haysata Minnesota

Minneapolis (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa dooneysa inay Soomaaliya u masaafuriso nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Cabdullaahi, hase yeeshee waxaa hortaagan hal xujo, oo ah in Cali uu sheeganayo inuu yahay Mareykan.

Kiiskiisa ayaa waxaa jahwareeriyey waqtiga uu dhashay. Cali waxaa u qoran inuu dhashay 1-da Janaayo, 1985, sida Soomaali badan oo Mareykanka degan, loo qoondeeyey markii loo soo qaadayey qaxooti ahaan. Hase yeeshee aabihiis Maxamed Salayman ayaa ku dooday inuu dhashay December 24, 1985.

Cali ayaa waxaa lagu qabtay doroogo iyo dambiyo kale sanado badan ka hor, waxaana dowladda Mareykanka u furan inay masaafuriyaan maadaama uusan ahayn Mareykan.

Hase yeeshe, Cali ayaa ku dooday inuu ahaa Mareykan marka uu dambiga galay. Sharciga Mareykanka ayaa qofka si toos ah Mareykan uga dhigaya marka waalidkiisa qaataan dhalashada, hadduu ka yaryahay 18 sano.

Marka aaibihiis Maxamed Salayman uu qaatay dhalashada, Cali wuxuu ahaa 18 jir, sida ku cad sharcigiisa Mareykanka, hase yeeshee wuxuu ku dooday dhalashada 1-da Janaayo inay tahay mid aan jirin, oo uu dhashay December 24 1985, sidaas darteedna uu ahaa 17 jir, uuna si toos u noqonayo Mareykan.

Dowladda Mareykanka ayaa ku dooday in warqad dhalasho oo uu soo bandhigay ay ka buuxaan qaladaad xagga English-ka. Sidoo kale waxa warqadda ku saxiixan Cali Xaaji Muuse. Hase yeeshee, dowladda ayaa soo bandhigtay in 1985, duqa magaalada Muqdisho uusan ahayn Cali Xaaji Muuse.

Kiiska oo maxkamad la isla tagey, ayaa waxaa ku guuleystay Cali, hase yeeshee dowladd Mareykanka ayaa racfaan ka qaadatay.

Dhibaatada dhalashada beenta ah, ayaa waxa ay haysataa Soomaali badan oo qurbaha ku nool, oo mararka qaar xitaa saameysay caafimaad ahaan, maadaama loo qoro dawo aan ku habbooneyn da’dooda.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com