Qatar oo Trump u qaaday tallaabo ay kaga adkaaan karto xulufada Sacuudiga

New York (Caasimada Online) – Shirkad ay leeyihiin qoyska Jared Kushner, oo ah wiilka qaba gabadha madaxweyne Trump, ayaa ku dhow inay heshiis la gaaraan shirkad xiriir la leh dowladda Qatar, taasi oo Qatar ka caawin karta xiriir dhow oo ay la yeelato aqalka cad.

Heshiiskan ayaa qoyska Kushner ka caawin doona in la badbaadiyo sar dheer oo ay ku leyihiin magaalada New York, oo wajaheysa xaalad dhaqaale xumo, una baahan lacag deg deg ah.

Jared Kushner aabihiis, oo lagu magacaabo Charles Kushner, ayaa wada-hadal kula jira shirkadda Brookfield Properties, si ay ula wareegto maamulka sar ka kooban 41 dabaq oo ku taalla adress-ka 666, Fifth Avenue ee bartamaha magaalada New York.

Shirkadda Bookfield Properties ayaa laga leeyahay dalka Canada, hase yeeshee waxaa maal-geliya hay’adda boqortooyada Qatar ee Qatar Investment Authority.

Daarta ay leeyihiin qoyska Kushner ayaa ay ku iibsadeen 1.8 bilyan oo dollar 11 sano ka hor, hase yeeshee wa ay soo saari weysay lacag u dhow qiimaheeda, waxaana 30% tahay mid banaan oo cidna aysan kireysan. Waxaysan sidoo kale awoodin inay bixiso lacagta billaha ah ee laga rabo, maadaama lagu iibsaday deyn bil kasta la gudayo.

Haddii dowladda Qatar ay bad-baadiso, waxay ka caawin doonta xiriirka Trump oo la saftay Sacuudiga iyo Imaaraadka, markii ay xiisadda khaliijka billaabatay.

Horey ayay Qatar u dooneysay inay sartan bad-baadiso, hase yeeshee waa ay ka baxday, waxaana la rumeysan yahayn in sababta Trump ula saftay xulafada Sacuudiga ay arrintan la xiriirto.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com