Maxaa ka jira in Itoobiya ay dhex dhexaadineyso DF iyo Axmed Madoobe?

Muqdisho (Caaasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xubnaha guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyey in Itoobiya ay dhex dhexeedineyso dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Jeesow ayaa been abuur ku tilmaamay wararka soo baxay saacadihii ugu dambeeyey ee sheegaya in Itoobiya ay u kala dab qaadeyso dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu yahay nin geystay dambiye kala duwan, islamarkaana mar uun la hor keeni doono cadaalada, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uusan aheyn Madaxweyne sharci ah, islamarkaana ay Xukuumadda Soomaaliya uga fadhiyaan in la soo xiro.

Dhanka kale wuxuu intaasi ku daray in ay wadaan olole ka dhan ah ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, kadibna ay ka fakiri doonaan sidii maamul loo dhan yahay loogu sameyn lahaa gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaaland.

Khilaafka ayaa sii xoogeystay, kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay ka hortimid natiijada doorashadii Madaxweyne ee dhowaan ka dhacday gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Halkan hoose ka dhageyso Codka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com