Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii kala tagaya iyo boqor Salmaan oo aad u carreysan

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta oo muddo ahaa saaxiibo iyo xulufo aan kala harin, ayaa hadda u muquda inay sii kala tagayaan.

Boqorka Sacuudiga, Salman Bin Cabdulcaziz ayaa dhowaan qaaday tallaabo aan caadi isaga oo sheegay inuu aad ugu carreysan Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ku dhow.

Salman ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu dhowaan la yeeshay madaxweynaha dowladda Yemen ee Sacuudiga uu taageero Abd-Rabbu Mansour Hadi, sida ay werisay wakaaladda wararka Reuters.

Xudunta xiisadda labada waddan ayaa ah dagaalka Yemen, halkaas oo Imaaraadka uu taageerayo koox gooni u goosad ah oo kasoo horjeedda dowladda dalkaas ee Sacuudiga uu taageero.

Dhinaca kale, guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha Mareykanka iyo Sacuudiga, Salman Al-Ansari ayaa weerar ku qaaday Imaaraadka, isaga oo sheegay inay dhagrayaan dalkiisa Sacuudiga, islamarkaana awooddooda ku ballaarinayaan gobolka.

Waxa uu ficillada Imaaraadka ee Yemen ku qeexay “qiyaano qaran”

Hadallada Al-Ansari ayaa imanaya ayada oo Sacuudiga ay dhowaan ciidamo u direen magaalada Shabwah, halkaasi oo ay iska-horimaadyo ku dhex mareen ciidamada dowladda ee Sacuudiga uu taageero iyo maleeshiyada koonfureed ee gooni u goosadka ah ee uu taageero Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
caasimada@live.com