Dhageyso: Xasan Sheekh oo soo saaray baaq culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka dibadiisa inay dalkooda kusoo laabtaan, kana qeyb qaataan kordhinta horumarada ka socda dalka.

Isaga oo ku sugan dalka Ghana, halkaas oo uu  uga qeyb galay shirka Madasha Amniga iyo Nabadda ee Koofi Anaan, ayuu sheegay in qurba-joogta looga baahan yahay in ganacsiyada kala duwan ay dalka dibadiisa ku sameysanayaan ay u soo bedelaan dalkooda.

Waxa uu qurbo-joogta ugu baaqay inaysan sugin inta dalka uu nabad iyo horumar ka gaaray, si ay ugu slaabtaan, balse ay ayaga qeyb ka noqdana sidii lagu gaari lahaa nabadda iyo horumarka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado maal-gashi iyo ganacsi, oo dadka qurbo joogta ee dhaqaalaha roon ay ka faa’iideysan karaan.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in si iskaashi ah dadka Soomaaliyeed ay u wada dhistaan dowlad loo wada dhan yahay oo dalkaan gaarsiin karta Amni iyo horumar ballaaran.

Hoos ka dhageyso codka madaxweynihii hore Soomaaliya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com