Xog: Kheyre oo diiday dalab ka yimid odayaasha beesha Guriceel iyo Dhuusomareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xog ay heshay shabakadda Caasimada Online ayaa sheegaysa in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku gacan seeray dalab ay usoo gudbiyeen odayaasha dhaqanka beelaha magaalooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb.

Odayaasha magaalooyinkaas ayaa kasoo horjeestay 30-kii xildhibaan ee dowladda federaalku ay u balan qaaday Ahlu-Sunna inay ku yeelaneyso maamulka cusub ee laga yagleelayo Galmudug, kuwaasi oo Ahlu-Sunna ay ku bixin doonto hab beeleed.

Odayaasha ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka dalbaday in xildhibaanada kasoo galaya maamulkaas aan lagala tashan Urur gooni ah, balse lagu soo xulo hab waafaqsan nidaamka awood qeybsiga beelaha, oo odayaasha ay soo xulaan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sida aan xogta ku heleyno diiday dalabka odayaasha isagoo ku adkeystay in xukuumadiisu ay isticmaalayso farsamo kasta oo lagu dhisi karo Galmudug loo dhan yahay.

Odayaasha dhaqanka magaalooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb ayaa iyaguna ka biya diidsan rabitaanka Kheyre, oo ah in xildhibaanada maamulka Galmudug kasoo galaya maagaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gurceel lagu qanciyo Ahlu-Sunna.

Dalabka odayaasha ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay uu soo yeeray war sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Ra’iisul Wasaare Kheyre faray in Ahlu-Sunna lagu qanciyo 30 xildhibaan oo ay ku yeelanayaan maamulka cusub ee Galmudug.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com