Maxaa ka jira in Maxamed Bin Salman lagu dhuftay laba xabbad oo uu dhintay?

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa shalay mar kale u dhaqaaqday inay beeniso wararka sheegaya in dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salaman la dilay, xilli muddo ka badan bil aan lagu arag goobaha dadweynaha iyo warbaahinta.

Wargeyska Arab News ayaa shalay daabacay sawirka cayaartoyda xulka Sacuudiga ee koobka adduunka, oo uu kasoo dhex muuqday Bin Salman, inkasta oo aan la xaqiijin karin xilliga sawirkaas la qaaday, balse la sheegay inuu isla shalay ahaa. Tallaabadan ayaa loo arkay mid lagu leeyahay “Dhaxal-sugaha ma dhiman”

Markii ugu dambeysay ee la arko Maxamed Bin Salman ayaa ahayd 12-kii April, markaasi oo uu la kulmay qosyka boqortooyada dalka Spain.

21-kii April ayaa rasaas culus laga maqlay aqalka boqortooyada dalka Sacuudiga ee magaalada Riyadh. Inkasta oo Sacuudiga sheegeen in lasoo riday diyaarad Drone oo dul mareysay aqalka.

Si kastaba warbaahinta qaarkeed iyo dadka Sacuudiga ayaa is-weydiiyey haddii rasaastu ahayd isku day afgambi oo la doonayo in xukunka looga tuuro boqor Salman, oo ay fuliyeen qaar ka mid isla boqortooyada Sacuudiga.

Toddobaadkii tagey, wargeyska Iran ee Kayhan ayaa ku warramay in Maxamed Bin Salman ay ku dhaceen laba xabbad intii uu weerarka socday, lagana yaabo inuu dhintay. Waxay soo xigteen sirdoonka dal kale oo Carbeed, oo arrintan loo sheegay, sida ay yiraahdeen.

Shakigan ayaa taagnaan doonta, inta Maxamed Bin Salman si rasmi ah looga arki doono goobaha dadweynaha, ama uu kasoo muuqdo muuqaal taleefishin.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com