Maxaa ka jira in Sacuudiga ay shacabkeeda ka bixineyso kafaaro gud ku aadan inay afurisay maalin soon ah?

Riyadh (Caasimadda Online) – Dood kala duwan ayaa ka dhalatay in la arkay Bishii Shawaal isla markaasna waxaa arrintaas isku khilaafay qaar ka tirsan Dowladaha Islaamka.

Dowladda Sacuudiga ayaa kamid ah Dowladihii ugu horeeyey ee ku dhawaaqay in la arkay Bishii Shawaal, waxaana kadib ku raacay Dowladaha Kuwait, Qatar iyo Imaaraadka Carabta kuwaas oo dhammaantood u dabaadagay Ciidda Maalintii Talaadada aheyd.

Sidoo kale Dowladaha go’aankooda badalay ee markii dambe Sacuudiga ku khilaafay  in Talaadadii aheyd Ciid waxaa kamid ahaa Dowladda Liibiya oo soo saartay laba go’aan oo ku saabsanaa Ciidda inkastoo midkii dambe uu ahaa in Maalintii Talaadada aheyd la dhameystiro Soonka halka ay ciideyn Maalintii Arbacada aheyd.

Sidoo kale Dowladaha Ciiday Arbacadii waxaa kamid ah Malaysia iyo Indonesia kadib markii ay sheegeyn inaan la arkin Dhalashada Bishii Shawaal ayna Soonka dhameystirayaal Maalintii Talaadda aheyd.

Haddaba Ciiddii kadib waxaa soo baxay dood culus oo ku saabsan inay Sacuudiga ku qaldantay in Maalintii Talaadada ay aheyd ciid sidaas darteedna ay Hal Bilyaar iyo 6 Malyan oo Lacagta Sacuudiga  Kafaaro gud ay uga bixineyso Shacabka Sacuudiga maadama ay afurisay Maalin Soon aheyd.

Meelaha lagu faafiyey warkaan ayaa waxay soo xiganayeen  Maxamed Al-Najmi oo xubin ka ah Dalladda Fuqahada Islaamka ee Dowladda Sacuudia kaasoo la sheegay inuu wareysi dhanka Taleefoonka ah siiyey Talafishinka Al-Carabiya, waxaana la xaqiijiyey inay arrintaas tahay been abuur kadib baaritaan lagu sameeyey warbixinadii ka baxay Telefishinkaas oo laga waayey warbixin ka hadleyso arrintaan.

Sidoo kale Dadka faafinayey arrintaan ayaa soo xiginayey qoraal ay sheegeyn inay Baraha Bulshada kusoo qortay Hey’adda Cirbixiyeenka ee Magaalada Jeddah balse markii dib loo fiiriyey Baraha Bulshada ee hey’adda sida Facebook iyo Twitter labadaba waa laga waayey qoraal ku sabaabsan arrinta la faafiyey.

Arrintaan ayaa waxaa lagu eedeeyey inay faafinayaan Kooxda Xuutiyiinta Yeman iyo Iiraan kuwaas oo dagaal kula jiro Dowladda Sacuudiga.

Been abuurkaan ayaa kusoo aadeyo Xilli Boqorka Sacuudiga ahna u adeegaha Xarameynka Maxamed Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud uu Talaadadii Xaramka kula dukaday Ciidul Fidriga Muslimiin badan oo isugu yimid Xaramka iyo hareerihiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
caasimada@live.com