Maxaa ka jira in Somaliland malaayiin dollar ku iibsatay safarka Eisenhower Mkaka?

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda dalka Malawi, Mr. Eisenhower Nduwa Mkaka oo horaantii toddobaadkan socdaal ku tagay magaalada Hargeysa ayaa markii u horeysay ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan safarkiisa Somaliland.

Mkaka oo la hadlay Onjezani Kenani, oo ah wariye caan ka ah dalkaas ayaa waxa uu beeniyay warar badan oo laga faafiyey socdaalkiisa Somaliland, wuxuuna sheegay inaysan jirin diyaarad qaas ah oo uu qaaday Hargeysa, balse uu raacay diyaarada Ethiopia.

“Mudane Mkaka wuxuu socdaal xaqiiqo raadis ah ku joogaa Somaliland, sida taariikhda ku cad wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland waligeedba ahayd dal madax-bannaan oo xoriyadiisa helay 26 june 1960. Maalintii ku xigtay ee 26 june baarlamaankooda ayaa u codeeyay inay ku biiraan Soomaaliya oo uu Talyaanigu xukumayay, xorriyaddeedana qaadatay 1 july 1960,” ayuu yiri Wariye Kenanni oo soo xiganaya Mkaka.

Wasiir Mkaka ayaa waxa uu ujeedka safarkiisa Hargeysa ee caasimada Somaliland ku sheegay mid xaqiiqo raadin ah, kadib markii xukuumadda Somaliland ka dalbatay dalkiisa Malawi inay ka taageerto qadiyada madax-banaanida Somaliland.

Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in xukuumadda Malawi aysan weli ka qaadan mowqif rasmi ah oo ku aadan qadiyada Somaliland, isla markaana ay weli wado wax uu ugu yeeray “xaqiiqo raadis dheeraad ah”.

Warbaahinta gudaha ee dalka Malawi ayaa baahisey in Mkaka uu diyaarad gaar ah oo dalkaas laga leeyahay ku gaaray Somaliland, iyada oo sheegtay in Hargeysa u tagay sidii uu nafsad ahaantiisa u heli lahaa lacag malaayiin doolar oo xukuumadda Somaliland ku siineyso sidii ay xiriir ula sameysan laheyd Malawi, taasi oo uu beeniyay.

“Wuxuu halkaas u aadayaa si uu lacag u helo, in badan oo ka mid ah isaga ayaa qaadanaya iyo saaxiibbo kale oo dowladda ku jira. Taasi waa mid run ah. Ugu dambeyn waxaa na loo sheegi doonaa in Malawi ay xiriir diplomaasiyadeed la sameysatay Somaliland,” ayaa lagu yiri warbixino ay daabaceen warbaahinta Malawi.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Malawi, Eisenhower Mkaka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Sabtidii booqasho ku tagay Somaliland, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, wuxuuna noqonayaa mid kamid ah mas’uuliyiintii ugu sareysay ee booqda Somaliland tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Mr. Eisenhower Mkaka oo sanadkaan gudahiisa la magacaabay ayaa durba dhaq-dhaqaaqyo waa weyn sameeyay, waxa ugu weyn ee lagu xasuusan doono waxey tahay inuu noqday wadankii ugu horreeyay Afrika ah ee xiriir dhow la sameysta Yahuudda.

Mkaka ayaa sidoo kale sheegay in safaaradda Malawi ay Israel ku leedahay ay u rarayso magaalada Qudus ee dhulka Falastiin, sidoo kalana wuxuu taageero weyn u muujiyay sheegashada dalka Marocco ee saxaraha galbeed.

Wasiirka wuxuu usoo tallaabo qaaday Geeska Afrika isagoo doonaya inuu wada-xaajood la sameeyo maamul doonaya inuu ka go’o Soomaaliya inteeda kale, mana ahan wadankii ugu horreeya ee xukuumadda Somaliland uu isku dayo inuu xiriir diblomaasi la sameeysto.