Dagaal duleedka Muqdisho ku dhex-maray ciidamada DF iyo maleeshiyo beeleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal la isku adeegsaday hubka fudud  iyo kuwa culus ayaa wuxuu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan xeebeedka Jaziira oo dhacda duleedka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dagaalka oo dhowr jeer oo kala duwan ka dhacay halkaas ayaa wuxuu u dhaxeeyey maleeshiyo hubeysan oo u abaabulan hab beeleed iyo ciidamo ka tirsan kuwa booliska Dowladda Soomaaliya.

Sababta dagaalka keentay ayaa lagu sheegay inay tahay muran ka dhashay qaad la sheegay in si sharci darro ah looga soo dajiyey xeebta Jazeera, kaasoo laga keenay dalka Kenya.

Sida dad goob joogayaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray ciidamadii dagaalamay iyo dad Shacab ah.

Inta la xaqiijiyey dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 5 qof oo qaar ka tirsan ay yihiin dad Shacab ah halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeyn.

Dawladda Soomaaliya ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ay ka soo saartay dagaalkan, waxaana meeshii lagu dagaalamay la wareegay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay Qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya, waxaana ilaa hadda si dhuumaaleysi ah looga soo dajiyaa xeebaha u dhow magaalada Muqdisho.