Maxaa ka jira in wadaadka Fetullah Gülen lagu wareejinaayo dowlada Turkiga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta dalka Turkig waxaa heer gabagabo maraaya wadahadalka u dhexeeya dowladaha Turkiga iyo Mareykanka ee ku saleysan arrinta wadaadka Fetullah Gülen ee lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay dalk Turkiga.

Wadahadalka labada dal ee arrinta Fetullah Gülen ayaa bilowday wixii ka danbeeyay doorashada Madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump, sida ay qoreen wabaahinta Turkiga.

Warbaahinta oo xiganeysa Saraakiil ka tirsan dowlada Turkiga ayaa sheegay in Mareykanka uu kasoo jilcay ad adeegii ku aadanaa arrinta Fetullah Gülen, waxa ayna tilmaameen inay sugayaan jawaab rasmi ah.

Warbaahinta ayaa qortay in Fetullah Gülen laga hor istaagay inuu u baxsado dalalka kale ee Yurubta ka tirsan, waxaana lagu xanibay dalka Mareykanka ilaa iyo amar danbe.

Fetullah Gülen, ayaa qudhiisa sheegay inuu ku kalsoon yahay dowlada Donald John Trump, isla markaana uu aaminsan yahay inaan loo gacangalin doonin dowlada uu hogaamiyo Erdogan.

Dowlada Erdogan ayaa dhowr jeer sheegtay in Fetullah Gülen lagu soo wareejin doono, si loogu maxkamadeeyo dalka Turkiga.

Ma cadda waxa uu noqon doono go’aanka dowlada Mareykanka ee ku aadan dhiibida iyo diidista Fetullah Gülen

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com