Xog: Farmaajo oo lagu cadaadinayo inuu ka hadlo arrin xiisad ka dhex abuurtay xukuumada iyo BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo lagu cadaadinayo inuu ka hadlo arrinta Qalbi Dhagax oo mareyso meel xun.

Wararku waxa ay sheegayaan in cadaadinta ay wadaan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia oo Siyaasad ahaan ku xulafo ah Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa soo jeediyay in Madaxweynaha uu cod ku darsado arrinta Qalbi Dhagax, iyadoo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyo xiisada ka dhalatay wareejintiisa.

Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha u sheegay in aamusnaantiisa ay sii ololineyso xiisada Qalbi Dhagax, sidaa aawgeed la doonaayo inuu ka hadlo dhiibida Qalbi Dhagax.

Xildhibaanada ayaa xooga saaraya sida Madaxweyne Farmaajo uu uga hadli lahaa dhiibida Qalbi Dhagax inkastoo uu Madaxweynah arrintaasi ka sameynaayo wadatashi ka hor inta uusan qaadan talada Xildhibaanada.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia oo iyagu doonaaya inay carqaladeeyan hanaanka Siyaasadeed ee dowlada ayaa aaminsan in Qalbi Dhagax uu u noqon karo jaran-jaro ay ku gaarayan xubinimada Golaha Wasiirada.

Ma cadda waxa uu noqon doono go’aanka uu Madaxweyne Farmaajo ka qaadan doono soo jeedinta Xildhibaanada garabka u ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com