Maxaa ka jira in wiilka wasiir ka tirsan SOMALILAND uu gabar ku gowracay gurigiisa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si faah-faahsan uga hadashay dilka haweenay la sheegay inuu dilay wiil uu dhalay Wasiirka qorsheynta Somaliland Xasan Gafaadhi, xili ay ku sugneyd gurigiisa.

Dilka loo geystay haweenayda oo saacadihii u dambeeyay si weyn u qabsaday baraha bulshada, ayey xukuumada Muuse Biixi ku sheegtay mid laga leexiyay xaqiiqda, iyadoo ku tilmaamtay maran habaabin aan sal iyo raad laheyn

Afhayeenka ciidamada booliska Somaliland, Faysal Xiis Cilmi oo warbaahinta kula hadlay xarunta taliska ayaa sheegay in dilkaasi uusan wax lug ah ku laheyn wiilka la sheegay inuu dhalay wasiir Gafaadhi, balse gurigiisa lagu dilay, kadib markii uu soo weeraray nin uu xiriir ka dhaxeeyay.

Faysal Xiis ayaa sheegay in marxuumada oo lagu magacaabi jiray Nasteexo Ismaaciil Aadan uu kusoo gar-garaacay Ninka dilka geystay, xili ay keligeed joogtay guriga, kadib markii ay ka furtay uu la dhacay faash uu sitay ninkaasi.

Afhayeenka ayaa xusay in Ninka gacan ku dhiiglaha iyo marxuumada uu ka dhaxeeyay xiriir jaceyl, isla markaana uu ku dilay arrimo la xiriira hinaaso.

“Gacan ku-dhiigluhu waxa uu gabadhaas ku dilay hinaaso, maadama uu ka dhaxeeyay jaceyl isaga iyo marxuumada, taasi awgeed ayuu guriga u yimid oo uu ku garaacay oo faashkana uu qadaadka dambe kaga dhuftay labo jeer Allaha-u-naxariiste” ayuu yiri Faysal Xiis.

Waxa kale oo uu sii raaciyey “Falkaasi markuu dhacay kadib ciidamada boolisku howl-gal balaadhan ayey sameeyen, waxayna tageen goobtii uu deganaa gacan ku dhiigluhu, waxay kasoo saareen faashkii uu wax ku dilay iyo toorey kale oo uu haystay iyo weliba garan dhiig leh”.

Marka laga imaado hadalka kasoo baxay ciidamada booliska Somaliland, waxa saacadihii u dambeeyay si weyn loogu baahiyey baraha bulshada muuqaalo laga duubay ehelka haweenayda la dilay, kuwaasi oo dilkeeda la xiriiriyey wiil uu dhalay Xasan Gafaadhi, oo ah wasiirka qorsheynta Somaliland.