Maxaa ka jira in xildhibaan MAHAD SALAAD loo wado agaasimaha hay’adda NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu baahayey baraha bulshada ee Internet-ka, kuwaas oo sheegayey in loo magacaabay agaaasimaha hay’adda NISA.

Mahad Salaad oo qoraal kooban soo saaray ayaa beeniyey wararkaasi, wuxuuna farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa u hambalyeynaya.

“Wararka Baraha Bulshada lagu qorayo waa been ee yaan lagu khatalmin ikhiyaarey. Hambalyadana yaan la iga qasaarinin ee hala ii kaydiyo. Mahadsanidiin,” ayuu qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaankan ayaa ka mid ah saaxibada Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna si aad uga soo muuqday ololihiisa doorashada.

Sidoo kale wuxuu ka mid yahay xubnaha aadka loo saadaalinayo inay kasoo muuqan doonaan garabka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isaga oo mucaarad isoo ahaa 5 sano ee lasoo dhaafay.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan ku howlan dhismaha dowladdiisa cusub, waxaana dadka illaa iyo hadda la magacaabay ka mid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah ergeyga arrimaha abaaraha iyo bani’aadanimada Soomaaliya..

Si kastaba, waxaa isha aad loogu hayaa xubnaha soo socda iyo ra’iisul wasaaraha imaan doono, iyada oo maanka lagu hayo ballan qaadkii Madaxweynaha cusub ee ahaa in koox gaar ah uusan wadan, isla-markaana uu wato tareen weyn oo la wada raaci karo.