Maxaa ka jira inay heshiis gaareen odayaashii ka tegay Muqdisho iyo kuwa SSC?

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka dhaqanka ee SSC ayaa war cusub kasoo saaray halka ay marayaan dadaallada nabadeed ee la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Laascaanood, kuwaas oo ay haatan ku biIreen odayaal dhaqameed ka tegay Muqdisho.

Suldaan Mustafe Aw-Seed oo kamida ah isimada dhaqanka ee SSC oo warbaahinta kula Garoowe ayaa marka hore ka hadlay wararka ayaa sheegaya in odayaashaas iyo SSC ay gaareen heshiis ku saabsan xiisadda Laascaanood, isaga oo been abuur ku tilmaamay.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in illaa iyo hadda ay wax wada-hadal ah la galeen odayaasha ka socda beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle ee gaaray Laascaanood.

Suldaanka ayaa xusay in kaliya odayaasha ay soo dhoweeyeen, una fududeeyeen inay gaaraan magaalada Laascaanood, ayaga oo u maray dhanka magaalada Garoowe.

Aw-Seed oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay soo dhaweynayaan doorka ergada nabadeed ee ka tegtay Xamar, isla-markaana ay aqbalauaan xabad joojinta, haddii ay dhankeeda diyaar u tahay xukuumadda Somaliland, ayna la baxayso ciidamadeeda.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray inay rajeynayaan inay ergadu gaaraan dhanka magaalada Hargeysa, si ay farriintooda nabadeed u gaarsiiyaan Somaliland.

Hadalkan kasoo baxay ismimada dhaqanka ee SSC ayaa kusoo aadayo, xilli odayaasha ka tegay magaalada Muqdisho ay kasoo laabteen magaalada Laascaanood, isla-markaasna la filayo inay sii amba qaadaan dadaalkooda oo ay gaaran dhinaca maamulka Somaliland.

Lama oga sida ay wax noqonaan doonaan, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in Somaliland aysan ogoleyn dhex-dhexaadinta odayaasha kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana labada dhinac ay weli isku horfadhiyaan magaaladaasi, taas oo uga sii dareysa xiisadda taagan.