Maxaa ka jira inuu is-casilay taliyaha booliska Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa beenisay warar lagu faafiyey baraha bulshada, oo sheegayay inuu xilka iska casilay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Wararkaas ayaa saacidihii tegay aad looga hadal hayey baraha bulshada, hase yeeshee Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar Cumar Orange oo war qoraal soo saaray ayaa ku tilmaamay kuwa aan waxba ka jirin.

Hoos ka akhriso qoraalka afhayeenka

Waa Been Abuur sal iyo raad toona laheyn Wararka lagu baahiyay Baraha Bulshada ee la xiriira in uu shaqada iska Casilay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Waxa baraha bulshada lagu daabicin daabacay qoraal been abuur ah oo lagu sheegay in taliyaha Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Xijaar uu iska casilay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Taliye Xijaar oo aan la xiriiray ayaa ii sheegay in layaabay markuu arkay qoraalada been abuurka ah ee Baraha bulshada la isku dhaafsanayay, islamarkaana ula jeedku yahay in YouTube-yada magac looga raadsado Comments-yana lagu helo been abuurka intaa la eg.

Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa ku gudajira shaqada uu qaranka u idmaday wuxuuna galabta shir guddoominayay kulanka todobaadlaha ee saraakiisha talisku isaga xog wareystaan howlaha guud amniga dalka.

Hahda Saxaafadda Soomaaliyeed oo aan ku ammanayo shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan waxaan ku boorinayaa in ay ka fogaadaan wararka aan xaqiiqda ku saleysneyn, si looga fogaado in ay lunto kalsoonida ay umaddu ku qabaan.