‘Afar dan oo dowladda Qatar ay ka leedahay JUBALAND’

Ksimaayo (Caasimada Online) – Safiirka Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho, Xasan Xamza Asad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay booqday magaalada Kismaayo oo xarun kumeel gaar u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Socdaalka wafdiga Qatar ayaa yimid wax ka yar un toddobaad kadib markii Villa Somalia ay sheegtay inay madaxweyne u aqoonsatay madaxweynaha Jubland Axmed Madoobe. Qatar waa dalka ugu weyn ee taageera dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo.

Rashiid Cabdi, oo ah cilmi-baare iyo fallanqeeye siyaasadeed oo ku xeeldheer gobolka, islamarkaana horey ula soo shaqeeyey hay’adda xasaradaha caalamiga, International Crisis Group (ICG), ayaa socdaalka wafdiga Qatar ku macneeyey mid ay Doha ku xoojineyso saameynteeda muhiimka ah ee Soomaaliya.

Rashiid ayaa sheegay in danahaa Qatar ee Jubaland ay yihiin:-

1 – In la dheereeyo heshiiska Villa Somalia iyo Axmed Madoobe.
2 – In Qatar ay saameyn ku yeelato doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya, ayada oo xildhibaano badan laga soo dooran doono Jubaland.
3 – Diyaarinta musharaxiin ay taageerto [Qatar ma dooneyso inay isku haleyso hal musharax].
4 – Iyo inay noqoto dhex-dhexaadiyaha Kenya iyo Soomaaliya oo ay ka dhaxeyso xiisad ka dhalatay sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya.

Dhinaca kale, warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Qatar isku dayeyso inay wanaajiso xiriirka qaar ka mid ah mamaul goboleedyada dalka ee ay isku xun yihiin Villa Somalia, ayada oo ujeedkeeduna yahay inay badsatao kaararkeeda siyaasadeed ee Soomaaliya, si aysan cidlo ugu soo dhicin haddii doorashada looga adkaado Farmaajo.