Xagee ka baxday lacagtii Sacuudi Carabiya?

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Sacuudiga Maxamed Al-Jaddaan ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu ay soo amaahan doonto 58 billion oo dollar sanadkan. Ku dhawaaqistu waxay tooshka ku shiday deyn codsiga sii badanaya ee dalka iyo su’aalo ku saabsan xaaladda dhaqaale ee xukuumadda Riyadh, gaar ahaan markii Boqortooyadda lagu tilmaamay mid ka mid ah dalalka caalamka ee lagu leeyahay deynta ugu yar.

Sacuudigu waa dalka ugu dhaqaalaha badan dunida carbeed, waana dalka keliya ee carbeed ee ka tirsan G20, waxaa intaas dheer in uu yahay dalka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka.

Saameynta Gobolka

Barwaaqadda dhaqaale ee Boqortooyadda ayaa soo jiidatay shaqaale shisheeye si ay ugu shaqeeyaan shirkadaha Sacuudiga iyo hey’adaha dowladda. Dhaqaale bur-burka ku yimaada Boqortooyada waxaa uu saameyn doonaa gobolka oo dhan.

Xilligan oo lagu jiro xasarado dhaqaale oo caalami ah, kuwaas oo uu sababay cudurka Coronavirus, ayuu Sacuudigu wajahay hoos u dhac weyn oo qiimaha saliidda ah iyo booqashooyinkii diimeed ee Makka iyo Madiina oo istaagay, malaayiin qof ayaa awoodi waayay in ay Sacuudiga u safraan sanadkaan si ay gutaan cibaado diini ah.

Xitaa ka hor inta aysan xasaraduhu soo ifbixin bilihii u dambeeyay, Bangiga Aduunka ayaa muujiyay in deynta dibadda looga leeyahay Sacuudiga ay ahayd $183 billion 2019-kii, taasi oo $151 billion ahayd sanadkii 2018-kii. Tiradaas waxay kordhi doontaa sanadkaan.

Tiradaasi waxay ahaan doontaa mid aan muuqan haddii aan la bar-bardhigin  xilliyadii lasoo dhaafay. Tirada ku kordheysa deynta ayaa ka muhiimsan wadarta guud.

Deynta cirka isku-shareertay

Deynta dalka dibadda looga leeyahay ayaa cirka isku shareertay shantii sano ee lasoo dhaafay, dhamaadka sanadkii 2014-kii, billo yar ka hor inta uusan billaaban dagaalka Yemen, waxay deyntu ka yareyd 12 billion, taasi oo muujineysa in kororku uu kor u kacay in ka badan 1500 boqolkiiba shanti sano ee lasoo dhaafay.

Muddo shan sano ah, keydka lacagta ayaa hoos u dhacay. Warbixino ka yimid maamulka lacagta ayaa muujinaya in hantida kaydka ah ee wadanka lagu qiyaasay $732 billion dhamaadka sanadkii 2014-kii, laakiin waxaa ay hoos u dhacday $449 billion dhamaadka sanadkii 2019-kii. Waxaa kharash isu bedelay $233 billion muddo shan sano ah.

Tirooyinkaasi waxay muujinayaan in shantii sano ee lasoo dhaafay, Sacuudigu uu dibadda ka soo deynsanayay tobanaan billion dollar, sidoo kale waxay tiro lamid ah kala baxaysay hantida kaydka ah.

Dhamaan tirooyinkaasi waxay dib ugu laabanayaan dabayaaqada sanadkii 2019-kii, waa ka hor inta uusan hoos u dhicin qiimaha shidaalka iyo inta uusan dillaacin Coronavirus iyo weliba hoos u dhaca ku yimid ganacsiga iyo isu socodka dunida. Hadaba, halkey lacagtaas oo dhan ka baxday?

Dagaallada qarsoon

Inkasta oo aysan caddeyn meesha saxda ah ee lacagtaas oo dhan lagu agaasimay, isbedelka deg-degga ah waxaa uu dhacay markii la bilaabay dagaalka Yemen sanadkii 2015-kii. Colaadaha kale ee Liibiya iyo Siiriya ayaa sidoo kale ahaa aag dagaal ee qarsoon, oo ay gacanta kula jireen dhowr dal oo Khaliijka ku taalla.

Xukuumadda Riyadh waxay dhowaan ku dhawaaqday gunti-isku-giijis dhaqaale oo ay ku jirto 8 billion oo dowladdu ay ka jareyso hiigsigeeda isbedelka ee 2030-ka, kaasi oo muhiimad u leh dhaxal suge Maxamed bin Salmaan.