Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa fadhi ku yeeshay magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug.
Xildhibaanada ayaa kulanka kaga doodaayay sida ay uga jawaab bixin lahaayen codsi kaga imaaday Madaxweynaha maamulka kaa oo ahaa in wakhti loogu kordhiyo soo magacaabista Golihiisa Wasiirada.
Xildhibaanada maamulka oo ka jawaabaya Codsiga Madaxweynaha ayaa u ogolaaday in mudo 75 Cisho ah loogu daro xiliga uu soo magacaabayo golihiisa Wasiirada.
Xildhibaanada waxa ay sheegen inaanu aqbali doonin in Madaxweynaha Galmudug Axmed geelle ducaale (Xaaf) uu dayaco fursada dheeriga ah ee lasiiyay.
Axmed geelle ducaale (Xaaf), ayaa balanqaaday inuu ka faa’iideysan doono wakhtiga lasiiyay isla markaana uu la imaan doono Gole Wasiiro oo dhan waliba ka dhisan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]