Maxaa ka ogtahay dhaarta yaabka leh ee la marsiinayo xildhibaanada Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka laga imaado dhaarta Dastuuriga ah ee Xildhibaanada waxaa jirta dhaar kale oo inta badan Musharaxiinta madaxweyne ay marsiiyan Mudaneyaasha Baarlamaanka, taasi oo ay ku damaanad qaadanayaan inay codka siin doonaan.

Dr. Cali Sheekh oo ka faalooda arrimaha Siyaasadda gaar ahaan midda Soomaaliya oo ka hadlay arrintaas ayaa sheegay in dhaarta labaad ee la marsiinayo Xildhibaanada ay khilaafsan tahay midda hore.

“Waxaa ku dhaarateen dhamaantiin in aad fulineysa danta guud ee umadda, sidaas ayaa la rabaa in aad tihiin oo ku fulinaysaan, laakiin sidii loo joogay ayaa waxaa timid dhaar la yidhaahdo laaluush, in aad codka isiineyso ii dhaaro,” ayuu yiri.

“Labada dhaar marka in la kala daayo weeyi oo dhaarta hore maxaa loo mari haddii aan laga dhabeynayn. Dhaarta hore asal ayay aheyd ee dhaarta labaad adiga ayaa si qalad ah u galay.”

Waxa uu ujeediyay Xildhibaanada inay ku dhaqmaan dhaartii hore, ayna Ilaahay ka baqaan oo aysan codkooda ku badalan maal aduunyo oo ugu hiiliyaan danta dalka iyo umadda Soomaaliyeed.

“Waxaa laga rabaa (Xildhibaan) inta aad is waansato marka aad tagto sanduuqa oo arrinta ay tahay adiga iyo Ilaahay aad tiraahdo Ilaahayow been ayaa sheegay oo waan ka towbad keenay oo hebel ayaa ila fiican oo codka siiso. Towbadana wey furan tahay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka digay cawaaqib xumada ka dhalaneysa in la khilaafo dhaarta sharciga ah ee ay mareen Xildhibaanada, taasi oo uu qofka ku mudanayo ciqaab Alle.