Soomaaligii u horreeyay ee xildhibaan ka noqda Finland oo kiis xasaasi ah loo haysto

Helsink (Caasimada Online) – Suldaan Saciid Axmed oo ah Soomaaligii ugu horreeyay ee ka mid noqda baarlamaanka dalka Finland ayaa loo heystaa arrin la xiriirta takaasida uu isticmaalo.

Suldaan oo xubin ka ah Xisbiga Isbahaysiga Bidix ayaa ballan-qaaday inuu dib u bixin doono dhammaanba kharashka takaasida uu u isticmaalay wax ka baxsan waajibaadkiisa xildhibaannimo.

Arrintan ayaa timid kaddib markii wargeyska Iltalehti ee ka soo baxa dalka Finland uu isbarbardhig ku sameeyay taksiyada ay isticmaaleen xildhibaannada baarlamaanka laga soo billaabo bilihii September 2021 ilaa Maarsadii sanadkan, wuxuuna ogaaday in kharashka uu isticmaalay Suldaan uu yahay kan ugu badan.

Wargeyska ayaa sidoo kale ogaaday in baarlamaanka Finland uu Suldaan u oggolaaday inuu isticmaalo taksi, sababo la xiriira ammaankiisa.

Wuxuu sheegay in sirdoonka Finland iyo waaxda ammaanka ee baarlamaanka dalkaas ay sameeyeen qiimeyn ku saabsan ammaankiisa isla markaana ay ogaadeen in ammaankiisa uu halis ku jiro, iyagoo kaddibna kula taliyay inuu isticmaalo taksi oo uusan raacin gaadiidka dadweynaha.

“Khatartaas waxay ka imaaneysaa dad kala duwan oo i beegsanaya oo ii soo hanjabaya, maaddaama aan ahay qofkii ugu horreeyay ee madow ah, qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah, dad mar walba ii soo hanjabaya oo baarlamaanka soo dhigaya waraaqo ay leeyihiin waan ku dileynaa,” ayuu yiri Suldaan oo la hadlay BBC-da.

Madaxa baarlamaanka ee maamulka, Pertti Rauhio ayaa xaqiijisay in Suldaan loo oggolaaday inuu qaato taksi beddelkii uu isticmaali lahaa gawaarida dadweynaha, iyadoo intaas ku dartay in oggolaanshahan lagu saleeyay warbixin dhanka ammaanka ah oo laga soo gudbiyay.

Rauhio ayaa intaas ku dartay inay tahay markii ugu horreysay ee sabab amni darteed, xildhibaan lagula taliyo in uusan isticmaalin gawaarida dadweynaha.

Kharashka taksiga ee Suldaan laga soo billaabo bishii September 2021 ilaa March 2022 ayaa lagu qiyaasay 6,500 oo Yuuro ah ($6,857), isagoo galay 212 safar, oo qaar uu qirtay in aysan la xiriirin shaqadiisa.

“Si hore loogu socdo, waan bixin doonaa safarradeyda taksiga ee ka baxsan shaqada,” ayuu Saciid ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Tiwtter-ka.

Suldaan ayaa sheegay inuu iskiis u bixin doono kharashka taksiyada ka baxsan shaqada ee uu isticmaalay.

“Waxba leyga dooni maayo, aniga ayaa si mutadawacnimo ah u iri taas aan maalintaa hooyadey ku qaaday maaddaama ay shaqada ka baxsna tahay , 40-ka Yuuro anigaa soo celinaya,” ayuu yiri.

Suldaan ayaa sheegay in mar hooyadiis baarlamaanka looga yeeray uu ku qaaday taksi, lacagtaasna uu haatan celiyay.

Qofka ku xigay Saciid ee isticmaalay kharashka ugu badan ee taksiga ayaa ah Olli Immonen oo safarro dhan 86 oo uu galay ay lacagtooda noqotay 6,400 oo Yuuro ah ($6,751).

“Inta uu socdo Covid, baarlamaanka ayaa xildhibaannada kula taliyay in aysan adeegsan gawaarida dadweynaha. Dhammaan safarradeyda taksiga waxay la xiriireen shaqada,” ayuu Immonen yiri.

Immonen ayaa Suldaan Saciid Axmed ku eedeeyay inuu kharash badan u isticmaalay taksi.

Xildhibaannada ayaa loo oggol yahay inay isticmaalaan taksi si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo, balse waxaa lagu xiray shuruud ah inay keliya u isticmaalaan gudaha caasimadda Helsinki iyo in kharashku uu ka yar yahay 70 Yuuro.

Wiixi bannaanka ka ah caasimadda ayaa xildhibaannada waxaa loo oggol yahay inay taksi u qaataan inta u dhaxeysa gurigooda iyo garoonka diyaaradda ee ugu dhow, tareenka, ama boosteejada basaska, haddii ay jirto sabab taksi loo qaato.

Waa kuma Suldaan Saciid Axmed?

Suldaan Saciid Axmed wuxuu baarlamaanka Finland ka mid noqday bishii June ee sanadkii hore. Sidoo kale waa qof u dooda xuquuqda dhallinyarada. Wuxuu muddo afar sano ah ahaa xildhibaan golaha deegaanka magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Helsinki.

Noloshiisa inteeda badan wuxuu ku noolaa dalka Finland oo xilligii waxbarashadiisiina uu ku qaatay, wuxuuna dalkaasi galay isaga oo 15 sano jir ah. Wuxuu markiisii hore ka taga Soomaaliya.

Muddadii afarta sano ahayd ee uu xilka xildhibaannimada hayay ayuu sheegay inuu beddelay waxyaabo badan oo caqabado ku ahaa dadka soo galootiga ah.

Suldaan oo 29 jir ah ayaa sheegay inuu siyaasadda galay sanadkii 2012-kii, isla markaana uu dadaal dheer ku bixiyay guulaha uu haatan gaaray.

Markii la doortay ayaa wuxuu yiri: “Sababihii igu kallifay inaan siyaasadda galo waxaa ka mid ahaa marka laga reebo aniga oo siyaasadda xiiseynayay, haddana inaan isbeddel sameeyo ayaa iga go’neyd.”

Sanadkii 2016-kii wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee xil ka qabta xisbiga uu xubinta ka yahay ee Left Alliance, isagoo markaas noqday guddoomiye ku-xigeenka xisbigaas.

Waxyaabaha hadda u qorsheysan ayuu sheegay inay ka mid yihiin inuu diiradda saaro dadka soo galootiga ah ee aan sharciga lahayn, dadka dalkaas u dhashay ee dhibaatooyinka ay ka heystaan guryaha iyo inuu cod u noqdo dhammaan dadka dhibban.

Isha: BBC