Xog cusub: Maxaa ka socda baarlamaanka Somalia xilligan?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya xarunta Baarlamaanka ayaa sheegaya in xildhibaanadda xukuumadda taageersan ay qarka u saran yihiin iney ku adkaadan loolankoodda.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wasiiradda ayaa xalay ku waabariistay kalsooni ay ka qabaan mowduuca maanta horyaala Baarlamaanka oo ah arinta sargaalka ONLF ee Qalbi Dhagax.

Kiiska sargaalka ONLF ayaa dabcay tan iyo markii xukuumadu baajisay fadhigii Baarlamaanka ee Sabtidii waxaana la ogaaday in qarashaad iyo balan qaad badan loo sameeyay xildhibaanadda.

Xildhibaanadda xukuumadda kasoo horjeedda ayaa rabba iney badalaan mooshinka oo ay ka dhigaan kalsooni kala noqoshadda xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre taas oo ah mid aan horey loogu tashan waana dagaal waji kale u baahan.

Qaar ka mid wariyaasha ku sugan xarunta Baarlamaanka ayaa soo sheegaya buuq iyo is mari waa inu jiro iyadoo xildhibaanadda mucaaradku ay ku dhaaranayaan iney fowdo sameyn doonaan.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in ay badan yihiin xildhibaanadda raacsan xukuumadda marka loo eego kuwa diidan waxaana adag in laga adkaado Kheyre iyo kooxdiisa.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com