Doodda kiiska Qalbi Dhagax oo hadda ka bilaabatay golaha shacabka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Somalia ayaa hadda guddo galay dooda C/kariin Qalbi Dhagax kaas oo ah sargaal ka tirsan Onlf oo ay Dowladda Somali ku wareejisay Itoobiya.

175 mudane ayaa soo xaadirtay kulanka maanta oo uu shir gudoominaayo guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,ilaa dhowr mudane ayaa is qortay sidda ay sheegeen wariyaasha goobta jooga.

Xukuumadda Somalia ayaa Baarlamaanka usoo gudbisay 15 hidise sharciyeed laakiin waxaa uu gudoonka Baarlamaanku go’aansaday in laga hormariyo ka doodista arinta Qalbi Dhagax.

Kiiska sargaalkaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa waxa ugu badan ee ay hadal hayaan siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wixii kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa insha allah

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com