Maxaa ka soo kordhay doorashada HirShabeelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa weli ka socota doorashada Golaha Aqalka Sare, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in maanta lasii amba qaadi doono qeyb kale oo ka mid ah doorashada, isla-markaana la qaban doono doorashada saddex kursi oo kale.

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tarmaya musharixiinta kala ah Cali Shacbaan Ibraahim, Cabduaadir Xanafi Sheekh Bashiir, Cabdullaahi Axmed Tawaad, Caasho Xuseen Abuukar iyo Cabdalle Cabdi Xuseen

Sidoo kale kursiga labaad ayaa waxaa ku loolamaya illaa afar musharrax oo iyana kala ah Maxamedamiin Sheekh Cismaan, Daaha Muxidiin Sheekh Daa’uud, Axmed Maxamed Cali (Afcadey) iyoYuusuf Maxalin Xasan (Filadheere).

Kursiga ugu dambeeya ee xubnaha saddexda ah ee maanta la dooranayo ayaa waxaa sidoo kale u sharraxan Naciimo Ibraahim Yuusuf, Zamzam Cabdulaahi Xuseen, Maxamed Macalin Xasan (Kulmiye) iyo Abuukar Xasan Cali Maqaney.

Dhinaca kale doorashada HirShabelle ayaa ka hadlay cabashada kasoo yeertay qaar ka mid ah musharixiinta, kuwaas oo laba ka mid ah ay isaga soo tageen magaalada Jowhar.

Guddiga ayaa ugu baaqay musharixiinta kala ah Cismaan Axmed Macow iyo Cabdinuur Ibraahim Nuur inay dib ugu soo laabtaan HirShabelle, si ay uga qeyb-galaan doorashada.

Ugu dambeyn guddiga ayaa ku dhowaaqay in kursiga cabashada ka timid doorashadiisa dib loo dhigay illaa Axada, si loo xaliyo cabashada ka timid qaar ka mid ah musharixiinta.

Halkan hoose ka aqriso:-