Xog: Ciidamo laga soo saaray Serandi oo hub loo qeybiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan oo ka tirsan hay’adaha Ammaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in Talaadadii Xerada Serandi laga soo qaaday 50 Askari oo ka tirsan dhallinyarada loo tababaray ciidamada Duufaan ee hay’ada ee Nabad-Sugida Soomaaliya. 

Dhalinyarada tiradooda gaareyso 50-ka qof ayaa la geeyay Godka Jilacow, gaar ahaan xerada ciidamada, waxaana kadib loo qeybiyay hub, dhar ciidan iyo saanad kale. 

Ciidanka Duufaan ee hay’adda NISA ayaa fariisan gaar ah ku leh Godka Jilacow, waxaana halkaas u yaalla bakkaaro ay ku xareysan yihiin agabyo ciidan. 

Ciidanka cusub ee lagu soo diray ciidamada Duufaan ayaa lagu sheegay in lagu badalay Askar dhowaan ka goosatay ciidamada Duufaan, oo ah ciidanka kaliya ee uu ku tashto Farmaajo. Ciidamada Duufaan ayaa u badan dhallinyaro Al-Shabaab ka tirsanaa oo lagu dhaqan celiyay Xerada Serandi iyo qaar laga keenay gobalka Gedom waxayna toos uga amar qaataan madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Taliyihii xilka laga qaaday ee Nabad sugida gobalka Banaadir Yaasiin Fareey, balse Farmaajo ugu magacaaban taliyaha guud ee NISA, ayaa la sheegay in uu lahaa amarka ciidamada cusub ee Talaadadii la hubeeyay. 

Xerada Serandi waxaa ku jira dhalinyaro boqolaal ah oo la sheegay in halkaaa lagu dhaqan celiyay, waxayna hore uga tirsanaayeen maleeshiyada Al-Shabaab. 

Godka Jilacow ayaa waxaa Talaadadii buuxay gaadiidka Beebayaasha oo ay wateem ciidamada Duufaan, waxaana la sheegay in xaligaas la qalabeeyay ciidamada cusub ee Duufaan.

Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA uu dhawaan u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa shalay agaasimaha Nabadsugida ee gobolka Banaadir u magacaabay G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac).

Ma cadda haddii tallaabada uu qaaday Bashiir Goobe ay ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyada uu wado Yaasiin Farey.