Puntland iyo Galmudug oo heshiis gaaray + Ujeedka

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka kala tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa wada-hadallo ka yeeshay colaad ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Mudug, si loo soo afjaro dagaal beeleedyada muddada fog ku soo noq-noqday gobolkaasi.

Labada dhinac ayaa marka hore is afgarad ku gaaray in xabad joojin la kala dhex-dhigo beelaha ku diriraya deegaano hoostaga magaalooyinka Galinsoor iyo Dhabbad.

Guddoomiyaha maamulka Dhabbad Aadan Cabdinuur Galaal oo ka warbixiyey wada-hadallada billowday ayaa shaaciyey inuu hormuud u yahay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur, isaga oo rajo weyn ka muujiyey wada-hadalladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in u jeedkooda uu yahay in heshiis rasmi ah laga gaaro colaadan oo muddo fog soo jirtay, taas oo ay hadda u midoobeen Puntland & Galmudug.

“Mar haddii Puntland iyo Galmudug ay ku midoobeen, waxaan ka qabnaa rajo weyn oo weyn in colaada lasoo afjaro. Sababta waxaa weeye, awal hore waxay ahayd aan isku imaano iyo saas aan yeelno” ayuu yiri guddoomiyaha Dhabbad Aadan Cabdinuur Galaal.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray “Labo qolo oo shacab ah ayay ahaayeen oo aan haysan xoog ay wax ku qabtaan,”.

Puntland iyo Galmudug ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xoojiyey iskaashiga ay leeyihiin, si loo adkeeyo nabadda ka jirta magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.