Somaliland oo damacsan inay qaado tallaabo ka dhan ah siyaasiyiinta Xamar ku metela

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in la qorsheynayo in xeer laga soo saaro Siyaasiyiinta reer Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in xeerkaas uu ciqaab u noqonayo Siyaasiyiinta sheegta in Somaliland ay metelaan ee ku jira hay’addaha dowladda Soomaaliya iyo Siyaasadeedaba, sida uu sheegay.

“Xeer in la soo saaro ayaa doonayna, xeer dadka halkaa tagay ee magaceena ku shaqeysanaya ee xumaanteena korkooda lagu sameynayo, xeerkii ciqaabeed ha la soo saaro, haddii kale in aan la ogol-nahay ayaa la moodaya,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa uu naqdiyay hadal kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif oo asagu soo dhaweeyay heshiiskii Siyaasiyiinta Somaliland ee kuraasta gobolada Waqooyi, kadib muddo uu khilaaf ka taagna.

Guddoomiye Faysal Cali ayaa waxa kale oo uu sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo halgankii Somaliland, ee ictiraaf raadinta iyo iska dhicinta Xamar, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyntiina waxa uu bogaadiyey war uu sheegay in uu helay oo sheegaya in madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uusan raadineyn muddo xileedkiisa marka uu dhamaado muddo kororsi, halka madaxdii hore ay sameysan jireen kordhis billaa sharci ah.