Madax goboleedyada ‘oo albaabka ka xirtay’ ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa shaaciyey inay shir iskugu imaanayaan maalinta Talaadada ee toddobaadka soo socda, kaasi oo ka dhici doona magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb geli doona madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, ayaa looga hadli doono dar-dargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, wuxuuna socon doona 21 illaa 24 bishaan September.

Hase yeesheem, shirka Garoowe kuma casuumna Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo asagu ah hogaamiyaha u sareeya ee loo igmaday hanaanka doorashada iyo amniga, waxaana la isweydiinayay sababta xilligaan keentay shir u gaar ah madaxda dowlad goboleedyada, ayada oo uu jiro Golaha Wadatashiga Qaranka.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya oo arrintaas ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay in mugdi badan uu ku gadaaman yahay shirka Garoowe.

“Ma muuqato sabab ay Dowlad Goboleedyadu kaligood doorashada uga shiraan. Waa in Ra’iisal Wasaare Rooble uu shirka Golaha Wadatashiga Qaran isugu yeeraa si loo dardar geliyo doorashooyinka dalka,” ayuu yiri.

“Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland mowqifkoodu wuu caddaa, waxayna taageereen in hoggaanka doorashooyinka iyo amniga dalka looga danbeeyo Raysalwasaaraha, halka Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay dhexdhaxaadin kaga siibteen in ay mowqif qaataan. Markii uu Farmaajo diiday dhex-dhaxaaintii ay wadeena way kala tageen.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Madaxda dowlad goboleedyada ay ka tirsan yihiin Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, ayna arrinta doorashada lagu jaangooyo un Golahaas.

“Golaha Wadatashiga Qaranka deg-deg ha iskugu imaado, Ra’iisul Wasaarahana lagu taageero in asaga uu hore u wado oo uu dadajiyo doorashooyinka, aan shirar kale lagu dhinac qaban ee shirka Golaha lagu wado arrimaha doorashooyinka.”

Cabdiraxmaan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Rooble uu dalka bad-baado u yahay, islamarkaana uu hayo wadada keliya ee xilligaan ku samata-bixi karto Soomaaliya, oo kal hore ku sigatay dagaal siyaasadeed aan la mahdin.