Goodax Barre oo Rooble ugu baaqay tallaabo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacabka oo muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay khilaafka sii xoogeystay ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Goodax Barre ayaa ugu horeyntii sheegay in Farmaajo uu kasoo daray, kadib markii uu shalay soo saaray Wareegto uu ku sheegay inuu ku hakiyay awoodihii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoona u soo jeediyay Wasiirka koowaad ee xukuumadda in uu qaado tallaabo adag.

Wareegtadaas oo Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamay mid baalmarsan sharciga, ayaa waxa uu Goodax ku macneeyay mid awood aan jirin uu isku bidayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna cadeyn u tahay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu go’aansaday in isbaaro aan dhamaad laheyn uu hordhigo doorashooyinka dalka.

“Waxaa cad oo marqaati ah oo umadda Soomaaliyeed u muuqata in Ra’iisul Wasaaraha uu aad u qadariyey oo ugu samray in madaxweynaha wax badan oo isbaaro ah oo wadanka dhibaato ku ah, waxaa leeeyahay intaas ha ku filnaato sharaftii iyo qadarintii la siiyey madaxweynaha,” ayuu yiri.

“Mar hadduu cadeystay in uu hor-istaago umadda Soomaaliyeed waxay ila tahay in tallaabo ka duwan sidii loola dhaqmi jiray uu Ra’iisul Wasaaraha ula dhaqmo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu qeyb ka qaadayo mas’uuliyada waddanka lagu curyaaminayo haddii uu qaadi waayo tallaabo adag oo looga hortagayo isbaarooyinka horta leh ee uu Farmaajo hordhigayo dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble.

Goodax ayaa ugu dambeyntiina arxan darro ku tilmaamay waxa hadda socda, waxa kali ah ee daawo u ah ay tahay qabsoomida doorashada dalka, isagoona carabka ku adkeeyay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu door ku laheyn arrintaas, oo ay shaqadooda billaabaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.