Beesha caalamka oo qoraal kulul kasoo saartay khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa war-Saxaafadeed ka soo saartay khilaafka adag ee soo kala dhex-galay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana labada dhinac loogu baaqay inay xakameeyaan is-weydaarsiga qoraallada xaaladda ka sii daraya.

Sidoo kale beesha caalamka oo qoraalkeedu u muuqdo mid dhex-dhaxaad ah ayaa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ugu baaqday inay deg deg u xaliyaan khilaafkooda, isla markaana la dardar geliyo fulinta heshiisyadii doorashada.

Qoraalka beesha caalamka oo ahaa mid aad loo sugayey ayaa ku soo aadaya sanad kadib caawa oo kale markii Muqdisho lagu kala saxiixday heshiiskii doorashada ee 17-kii September, sidoo kalena uu Madaxweyne Farmaajo soo magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble oo haatan uu khilaaf adag kala dhaxeeyo.

Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka oo dhameystiran

Muqdisho, 17 Sebtembar 2021 – Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.

Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin.

Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday.

War-saxaafadeedkaan waxaa wadajir u soo saaray dalalka iyo ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Egypt, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Norway, Qadar, Iswiidhan, Swisarlandh, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.